Filtrar por gênero
- 65 - SUGAHAA QALBIGA EP06:~ Qura’an in the time of crises|Quraanka Iyo Wakhtiyada dhibaatada |
اللهم إني عبدك، ابن عبدك، ابن أمتك، ناصيتي بيدك، ماضٍ فيَّ حكمك، عدلٌ فيَّ قضاؤك، أسألك بكل اسمٍ هو لك، سميتَ به نفسَك، أو علَّمتَه أحدًا من خلقك، أو أنزلتَه في كتابك، أو استأثرتَ به في علم الغيب عندك؛ أن تجعل القرآنَ ربيع قلبي، ونور صدري، وجلاء حزني، وذهاب همِّي؛
Sun, 12 May 2024 - 64 - SUGAHAA QALBIGA EP05:~Reliance On Allah |Ku tiirsananta Ilaahay|
«اللهم بك استعين وعليك اتوكل، اللهم ذلل لي صعوبة أمري وسهل لي مشقته وأرزقني من الخير كله أكثر مما أطلب وأصرف عني كل شر . >>
Mon, 06 May 2024 - 63 - SUGAHAA QALBIGA EP04:~Know Your Enemy | Garo Cadawgaaga |Fri, 03 May 2024
- 62 - SUGAHAA QALBIGA EP03:~Self Responsibility|Mas’uuliyada Nafta |Sun, 28 Apr 2024
- 61 - SUGAHAA QALBIGA EP02 :~Straightness | Toosnaasho|Fri, 26 Apr 2024
- 60 - SUGAHAA QALBIGA :~ EP01 | Self worth - Qiimaha Nafta |
Haddi aad taqaano qiimaha naftaada , waxa lagaa sheegaa waxba kaa yeeli maayaan . Amal abdillahi bade .
Sun, 21 Apr 2024 - 59 - Season 6~EP12 : magaca Alle( Al-HAKIIM ) اسم الله الحكيم
FIIDNIMO WANAAGSAN Xalqada manta waxaan kaga hadalayna magaca Alle ( Al - HAKIIM ) waxaynu sharxaynaa magaca micnihiisa , sida uu nolosheena saamayn ugu yeelanayo inta meelood ee uu qur’aanka kaga jiro IWM Dhagaysi wanaagsan baan idiin rajaynayaa . Amal abdillahi badde
Sun, 14 Apr 2024 - 58 - Season 6~EP11 : magaca Alle( Al-wahhab ) اسم الله الوهاب
Xalqada manta waxaan kaga hadalyaa magaca Alle ( Al wahhab ) waxaynu sharxaynaa magaca micnihiisa , sida uu nolosheena saamayn ugu yeelanayo inta meelood ee uu qur’aanka kaga jiro IWM Dhagaysi wanaagsan baan idiin rajaynayaa . Amal abdillahi badde
Thu, 04 Apr 2024 - 57 - Season 6~EP10: magaca Alle ( Ar- rassaq) اسم الله الرَّزاق
Maalin wanaagsan . Ramdaan mubarak 🌙Xalqada manta waxaan kaga hadalyaa magaca Alle ( ar-rassaq ) waxaynu sharxaynaa magaca micnihiisa , sida uu nolosheena saamayn ugu yeelanayo inta meelood ee uu qur’aanka kaga jiro IWM Dhagaysi wanaagsan baan idiin rajaynayaa .
Tue, 26 Mar 2024 - 56 - Season 6~EP09: magaca Alle ( AL xaliim )اسم الله الحليم
Duhur wanaagsan Ramdaan mubarak 🌙Xalqada manta waxaan kaga hadalyaa magaca Alle ( al xaliim ) waxaynu sharxaynaa magaca micnihiisa , sida uu nolosheena saamayn ugu yeelanayo inta meelood ee uu qur’aanka kaga jiro IWM Dhagaysi wanaagsan baan idiin rajaynayaa .
Tue, 19 Mar 2024 - 55 - Season 6~EP08: magaca Alle ( AL BASSIR )اسم الله البصير
Xalqada manta waxaan kaga hadalyaa magaca Alle ( al bassir ) waxaynu sharxaynaa magaca micnihiisa , sida uu nolosheena saamayn ugu yeelanayo inta meelood ee uu qur’aanka kaga jiro IWM Dhagaysi wanaagsanbaan idiin rajaynayaa . Amal abdillahi badde
Sun, 03 Mar 2024 - 54 - Season 6~EP07: magaca Alle ( AL FATTAX ) اسم الله الفتَّاح
Manta waxaynu soo qaadanayna magac Alle( alfataax ) Albabada khayrka oo uu Allah inoo fura waxay ina dhaxal siinaynsaa inaynu aduunka wanaag fara badan ku helno aakhirna janno ku kasbano . Ilasoo dhagaysta casharka si aan magaca qiimaha leh iskula soo barano Amal abdillahi badde .
Sun, 25 Feb 2024 - 53 - Season 6~EP06 : magaca Alle ( AL GHAFAAR ) اسم الله الغَفَّار
Fiidnimo wanaagsan Magaca aan qaadanayno casharkani waa magaca Alghafaar oo micnihiisu yahay dambi dhaaf badane . Inta aad casharkan ku kudo jirto waxaad baranaysaa casharo badan oo noloshada maalinla ah wax ka tara kuna caawiya waxaanad sii fahamaysaa xadiga ay leedahay naxariista ilaahay iyo dambi dhaafkiisu .Ila soo dhagayso wixii aad ka baratana comment iigu reeb . Amal abdilaahi badde .
Tue, 13 Feb 2024 - 52 - Season 6~EP05 : magaca Alle ( ARR-FIIQ ) اسم الله الرفيق
Halqada cawa waxaan kaga hadli doonaa magaca Alle ee ( AR-FIIQ ) oo micnihiisu yahay ( dabacsanan) Waxaan ka hadli doona sida uu nolosheena usoo galayo uguna dabaqi karayno Dhagaysi wanaagsan . Amal abdilaahi bade
Tue, 06 Feb 2024 - 51 - Season 6~EP04 : magaca Alle ( AL MALIK ) اسم الله الملك
Magaca aynu maanta qadanynaa waa magaca Alle ee ( AL MALIK ) ( المَلِكْ) Waxaynu falan qayndoona sida uu nolosheena usoo galin karno waxanu sidoo kale fasiraynaa micnaha magaca iyo waxa looga jeedo sida aynu ugu ducaysan karno .Dhagaysi wanaagsanban idiin rajyanaya . Amal abdillaahi bade .
Sun, 28 Jan 2024 - 50 - Season 6~EP03 : magaca Alle ( ARRAB) اسم الله الرَّبْ
Magaca Alle een manta isla baranayno waa(ARRAB) ( الرَّبْ ) Waxaynu isla baraynaa micnaha looga jeedo magaca iyo sida aynu ilaahay ugu baryi karno . Inaad ka bogataan baan rajaynayaa . Amal abdilaahi bade .
Sun, 21 Jan 2024 - 49 - Season 6~EP02: Fadliga iyo dheeradka ay leedahay in magacyada ilahaay labarto / فضل معرفة أسماء الله الحسنى
Hordhacii 2aad ayaynu manatana isla dhagaysan doona Waxaynu sharaxaynaa fariqiga udhaxeeya إحصاء 📊 iyo العد iyo sida ay magacayda barashadeedu cilmi farabadan iyo dheera badan inoogu furfuri karto marka aynu fahano Dhagaysi wanaagsan ayaan idiin rajaynyaa . Amal abdilaahi bade
Sun, 14 Jan 2024 - 48 - Season 6~EP01: Ahmiyada ay leedaahay in magacyada Alle labarto / مكانة أسماء الله الحسنى في الدعوة
Barashada magacyada ilaahay waa asalka cilmi kasta oo aduunkan yaal , waana asaaska ay noloshu ka saxanto , manta xalqadan waxa aynu kaga hadlaynaa ahmiyada iyo booska qiimaha leh ee magacyda ilaahay ku leeyihiin diinteena suuban . Dhagaysi wanaagsanbaan idiin rajaynayaa .
Sun, 07 Jan 2024 - 47 - Season 5~EP16: Dhalinyarta iyo cibaadada / Gunanadkii session 5
MARTI : huda abdilaahi badeXalqada manta waxa iigu marti iigu ah walaashay huda oo aanu kawada hadalnay marxaladahaa kala duwan ee qofka dhalinyarta ah maro marka uu kujiro da’da (15-21) . Ka faaidaysi wanaagsanbaan idiin rajaynaya.
Sun, 24 Dec 2023 - 46 - Season 5~EP15: Talo iyo dardaaran dhanka barbaarinta ah / نصائح عامة ومهمة عن التربية
GABAGABO Cawa waxaan soo gabagabeyaay kalkii 5 oo ka hadalyaay barbaarinta carururta kasoo inoo soo socday mudo 3 bilood alhamdulillah .Xalqada cawa aad ayay muhiim ugu tahay hooyo , inaan aan xaas ahayn , wiilasha aan guursan , aabo kasta oo caruur dhalay sifiican aynu iskula dhagaysano inshaAllah JasakumuAllahu khayraa
Sun, 17 Dec 2023 - 45 - Season 5~EP14 : mushkiladaha ka imaada saaxibtinimada hablaha iyo inamada wakhtiga qaangaadhka / المشاكل التي تأتي من صداقة بين الجنسين
Xalqada caawa waxaan kaga hadlaynaa xidhiidhada imaada walhtiga lagu gudo jiro qaangaadhinimada iyo saamynta ay kuyeelayo nolosha ilamaha ee danbe Sido kale waxaan ka hadlyanaa sidee aynu ugu caawin lahayn caruurta inay dhistaan xidhiidh saxiibtinimo oo wanaagsan .Dhagaysi wanaagsan ayaan idiin rajaynayaa
Sun, 10 Dec 2023 - 44 - Season 5~EP13 : xidhiidhka ka dhaxeeya dhiirigalinta iyo qaan-gaadhnimada /العلاقة بين المراهقة والتشجيع
Xalqada caawa waxaan kusii dhamaystiraynaa da’da ( 13-15) Waxaynu sii dhamaystraynaa uun labada qaybood ee ka hadhay ee kala ah 1: waxa ugu muhiimsan ee ay tahay in lagu beero da’da .2: waxa ugu khatarsan ee ay tahay in laga feejignaado marka ay caruurtu da’da .Dhagaysi wanaagsan ayaan idiin rajayanayaa
Sun, 03 Dec 2023 - 43 - Season 5~EP12: da’ada qaangaadhnimada iyo barbaarinta /التربية والمراهقة
Qaanfaadhnimo waa da’a ay waalidku kudhacan khaladad waa wayn ay keensatay fikirka khaldan ee aynu ka aaminay da’dan.xalqada cawa waxa kaga hadalayaa ,1; hordhaca oo ah sharaxaad guud oo marxaldan khuseeya ( مرحلة المراهقة والفرق بين البلوغ والمراهقة )2; maxay tahay inaan sameeyo markuu ilmahaygu da’an soo galo 3; afkaarta khaldan ee aynu aaminsanahay markuu ilmihu da’an kujiro4; maxaa layga bahan yahay kawaalid ahaan inaan sameeyo .Dhagaysi wanaagsan .
Sat, 25 Nov 2023 - 42 - Season 5~EP11: Waydiimo khuseeya barbaarinta / فقرة أسئلة عن التربية
Xalqada manta kaga waxa aynu kusoo qaadnaynaa dhawr su’aalod oo igaga soo noqotay waalalaha barbaariyaasha ah ee ku xidhan taxanahan barbaarinta ka hadalayaa . Su’aalaha oo badan awadeed si aynu uga wada faaidaysano halkan ayaan manta qayb kamida kaga soo jawabay ee nala dhagayso.Wixii su’aal ee aad qabatana waxaad igula soo wadaagi kartaan barta aan kuleyahay social media si aan ukala faidaysano . Dhagaysi wanaagsan 🌸Amal abdilaahi bade
Sun, 12 Nov 2023 - 41 - Season 5~EP10: Qaadida masuuliyadaha / handling responsibility/ تحمل المسؤولية
Masuuliyada oo ilmahaa la bara waa qodobada ugu muhiimsan barbaarinta uguna mudan in wakhti, samir ,iyo kalsooni daryeel ku dheehan yahay lagu bixiyo Waxaad xalqadan ka heli doontaa su’aalo kugu caawinayaa inaad ogaato in ilmahagu yahay mid udiyaarsan in uu qaado masuuliyadaha nolosha kusoo fooda leh .Ila dhagayso oo aragtidada ilasoo wadaag hadii aad wuxun kaga baxaan .Aad baan idinku mahad celinayaa .Amal cabdilaahi bade
Mon, 06 Nov 2023 - 40 - Season 5~EP9 barbaarinta iyo kala duwanashaha ( wiilasha - hablaha ) / تعلم الإختلاف
Manta waxa aynu uguda galayna marlxalad cusub oo aynu kaga hadalyno da’da (9-12) marka uu ilmuhu uu jiro iyo waxa uu ugu baahida badan yahay waxay tahay in lagu beero , iyo filashooyinka uu qabo markuu da’dan kujiro . Dhagaysi wanagsan ayaan idiin rajayanay
Sun, 29 Oct 2023 - 39 - Season 5~EP8 cabirida dareemaha ilmaha / التعبير عن المشاعر
Dareemuhu waa luuqad kamida luuqada ay bini adamku ku hadlaan ayna tahay in ilmaha lagu ababiyo wakhtiga uu yaryarahay .:- waxa jira dhibaatooyin fara badan oo ka dhasha cabir la’anta dareemada oo qofka kusoo baxa marka uu waynaado si aynu taas ugu hortagno ayaynu xalqadan ku lafaguraynaa dareemaha iyo ahamiyada ay leeyihin . Dhagaysi wanaagsan ayaan idiin rajayanaya Amal abdilaahi bade
Sun, 22 Oct 2023 - 38 - Season 5~EP7: kalsoonida iyo barbaarinta caruurta / كيف نحافظ على ثقة الطفل
Kalsoonidu waa tirarka ugu muhiimsan barbaarinta caruurta marka aynu ku gudo jirno Si aynu usoo saarno caruur dhan walba kadhisan oo nafsiyan badqaba waa inaan kobcinaa uun waxa uu Allah caruurta ku abuuray oo ah inay laso dhashaan kalsooni . Dhagaysi wanagsan iyo ka faaidaysi fiicanbaan idiin rajyanayaa .
Sun, 15 Oct 2023 - 37 - Season 5~EP:6; barbaarinta iyo salaada التربية والصلاة
Salaadu waa tirka labaad ee diinteena macaan wanaa qodobada ugu muhiimsan barbaarinta caruurta .Xalqadan waxaan si faahfahsan uga hadlaynaa baahida ruuxiga ee ku abuuranta ilamaha marka la eegayo dhanka diinta iyo calamadaha kasoo if baxa ilmahaa marka uu soo galo da’an (7-9) Dhagaysi wanaagsan
Sun, 01 Oct 2023 - 36 - Season 5~EP:5 ; barbaarinta iyo qur’anka ; التربية والقرآن
Marxalda aynu hada kujirno oo ah (4-6 ) waxyabhaa ugu muhiimsan ee caruurta lagu beerinkaro quranka ayaa kaw ka ah Waxaynu kusoo qaadan doona xalqada manta 16 qodob oo inaga caawinayaa inaynu caruurta Qur’aanka ku xifdi siino . Dhagaysi wanaagsanbaan idiin rajayanaya
Sun, 24 Sep 2023 - 35 - Season 5~EP:4 ; Badqab dareen / النمو العاطفي السليم لدى الطفل
Luuqadu waa waxyabaha ugu mudan ee ay tahay in waalidku ay wakhti badan galiyaan ilmihu inta uu yaryahay waxaad xalqada mnata ka baran karaysa 1; sidaad ku ogaan lahyd in ilamahagu dareen ahaan badqabo2: sideed ilamahaga luuqadiisa hooyo ukobcin lahyd una sixi lahayd 3; (4-6) baahiya ilmuhu uu qabo oo iyadna aan laba qodob kaga hadli doono .Dhagaysi wanaagsan Amal abdilaahi bade
Sun, 17 Sep 2023 - 34 - Season 5~EP:3 ; baahiya caruurta ; احتياجات الطفل
Xalqada manta waxa aynu kaga hadli doona dhawr qodob oo muhiim ah :. Baahiyaha ilamaha marka uu aadka uyaryahay sida jacaylka / naxariista / usamrida . :. Waxyabaha ah diintu jidasay ee ay mudan tahay in waalidku ilmaaha usameeyan marka uu dasho .:. Maashakilka ay leedahay mar xaladan (0-3) Iyo qababka loola tacaalo . Dhagaysi wanaagsan Amal abdilaahi bade
Mon, 11 Sep 2023 - 33 - Season 5~EP:2 ; مفهوم التربية /fahanka guud ee barbaarinta
Xalqada cawa waxaynu kaga hadlaynaa dhawr qodob oo muhiim ah 1: fahanka guud ee barbaarinta .2: marxalada ka horaysa waalidnimda3: su’aalaha lamanaha aad rabto inaad nolol wadaag la noqotid aad waydiin kartid .4: (0-3 ) baahiya ilmuhu uu leyahay badh kamida .Intaaso qodob ayay koobsnaysa xalqada manta dhagaysi wanaagsan baan idiin rajaynayaa .
Sun, 03 Sep 2023 - 32 - Season 5~EP:1 ; بر الوالدين / Waxaad beerataad guran
BISMILLAH ,Xalqada uhoraysa ee kalkani waxaan kaga hadlaynaa baarinimada iyo xidhiidhka kala dhaxeeya toosida nolosha caruurta aynu korinayno , iyo sida ay samaayn baaladhn ugu yeelan karto mustaqbalkeena . Dhagaysi wanagsan .Amal abdilaahi bade
Sat, 26 Aug 2023 - 31 - Season 4~EP:10 ; Empathy/ Danqasho/ التعاطف والايثار
Dhamqasho waa ciwaanka xalqada manta ee ugu dambaysa kalkan ka bogo oo fahan muhiimada ay inoo leedahay sifadani
Thu, 06 Jul 2023 - 30 - Season 4~EP:09 ;Omission/ التغافل والتجاهل / Isdhaafin
Waxa jira khaladaad badan oo si malinle ah aynu kala kulano bulshada inagu xeeran oo kalifta in aad kafalceliso taasina anay ufiicnayn caafimaadkeena maskaxeed iyo mid jidheedba sifadan manata aynu ka hadlayna waxay kugu caawinaysaa in aad mashaakil hor leh oo kugu dhici laaha dad badana aad isku waayi lahaydeen aad kagaa hortagto oo aad noqoto qof ilduufleh waxna diidaa oon dulmiga qaadan waxna dhaafi kaara Kagaa bogo xaqladan sifadan oo faahfasan Amal abdilaahi
Sun, 02 Jul 2023 - 29 - Season 4~EP:08 ; Samafal iyo awood isugu gaynta khayrka/ الإحسان والإتقان
Samafalku waa xirfadahaa ugu qiimaha badan ee kasbashadooda nolosha qofka wax wayn kusoo kordhiso aduunyo , aakhriba Xalqadan waxaan ku eegayna sida loo kasabdo xirfada , faaidooyinka ay nolosheena uleedahay iyo samaynta ay kaga tagto qofka noloshiisa. Amal Abdilaahi
Sun, 18 Jun 2023 - 28 - Season 4~EP:07 ; Soo laabasho / علاقة التوبة والعمل الصالح
Aduunkan aynu noolnahay hadii aanu qanuuno uu ku kala socodo Allah udhigin kadibna aanu ina barin qaabka aynu ugu dhaqmayno qanuunada waxa imaan lahaa khalkhal fara badan oo dhanka nolosha ah Inaad ogtahay inay jirto meel aad unoqoto marka aad siibato ee aad samayso wax kabaxsan wixii laguu baneyaay dareenkaas ayaaba ah nimco kamida nimcooyinka maalinlaha ah ee aynaan oagayn .Ila dhgayso xalaqadan si aan u ogaano xidhiidhka ka dhaxeeya soo laabashada,camalka wanaagsan, hanuun...
Sun, 11 Jun 2023 - 27 - Season 4~EP:06 ; Baadi doonki hanuunka / البحث عن الهداية
Sualaha ugu wa wayn ee aan iswaydiin jiray noloshyda ayaa waxa kow ka ahaa qofku miyuu noolan kara hanuunka rabi la’antii ! Sidee loo gaadhaa hanuunka ? Tubteen umaraa si aan ugaadho ? Suaalo iga wada dhex guuxayay oon jawaabtooda Qur’anka kariimka aan ka helay ayay ahayd ila dhgaysta xalqadan si aad wax igala ogaato mawduucan Amal cabdilaahi bade
Sun, 04 Jun 2023 - 26 - Season 4~EP:05 ; / fursadaha nolosha / Opportunities / استغلال الفرص
Waxa jira fursado maalinle ah oo nolosheena soomaraya se aynaan ahayn qaar ku baraarugsan ahmiyada ay inoo leeyihin amaba aynaan diyaar u ahayn wakhtiga ay fursado ina soo marayso Kaga bogo xalqadan fursadi waamaxay ? Maxaa ina dhaafiya janisyada iyo fursadahaa maalinlaaha ah ee ina soo marayaa ? Diinteena macaani maxay katidhi ahmiyada uu wakhtigu leyahay iyo qodobo kale oo xiiso leh Dhagaysi wanagsan Amal abdilaahi
Sun, 28 May 2023 - 25 - Season 4~EP:04 ; / Badsasho / minimalism / التخفف
Minimalism / زهد / تخفف Waxasoo dhan waa ereyo iskuwasa dhaw oo sheegaya macno isku wada mid ah waxaana laga wada in uu qofku iska yarayeeyo ku xeeldheeraanshaha wax urursiga sida dharka lacagta waxyabaha guryhaa ladhigto iyo afkaarta aan waxba kugu soo kordhinayn iyo inaad ka suhdido aduunyada oo aad kunoolato nolol baasida hadana qiimo leh oo tayo kamuuqato Ila dhagayso xalqadan si aan ugu fahanto mawduucan si xeel dheer
Sun, 21 May 2023 - 24 - Season 4~EP:03 ; XORNIMO DAREEMEED / الإستقلالية العاطفية
XORNIMOOY LAGU JECEL Qofkasta oo inaga mid ah wuxuu jecel yahay inuu xor ahaado xor ka ahaado waxkasta oo dareemihiisa xidh xidhaya dabraya horumarkiisa iyo horusocdkiisa dib udhigaya hadaba si aad halkaa ugaadho oo aad unoqto qof dhinac walba ka xora oo cida kaliya ee aad ubaahantahay ay Ilaahay tahay dhgayso xalqadan oo qalin iyo book qaado fahan oo qalinka ku dabar waxaad u aragto inuu ku anfacayo natiijadana uu ku gaadhsiinayo Xornimo dareemed
Sun, 14 May 2023 - 23 - Season 4~EP:02 ; Xuduud Nafeed / Healthy Boundaries
Nimcooyinka uu ilaahay inagu manaysatay ayay kamid tahay inuu ina siyaay awood nafeed aynu ku kala xakamayn karno waxyabaha caqligeena soo galayaa , samanakan aynu hada noolnahayna waa mid qofka ku kalifaya inuu noqdo mid raba inuu wax kasta si dagdaga ku qabto hadii ayanaan ku baraarugina saamaynta ay nolosheena kuledahay waxaasi oynaan is badh qaban waxa k dhalan kara waxyabo badan oynaan mahadin Kagaa bogo xalqadan sidaad uyeelan laahyd xuduud nafeed BAADI DOON 2
Sun, 07 May 2023 - 22 - Season 4~EP:01: Baadi doonkii farxada
Baadi doon ayaaynu ugu jirnaa inaynu kunolaano nolol farxad iyo rayrayn leh nolol dagan ,oo turxaan la’a , midkeenba meelbuu isku qaadaya siduu uheli lahaa una gaadhi lahaa farxadaas . ila dhagayso xalqadan iskuna day inaad inuu bal wixii kaga baxa aad noloshaada kudabaqdo si baadi doonkaga suaalaha kaga soo noqonayaa aad jawaab ugu hesho .
Sun, 30 Apr 2023 - 21 - Season 3~EP:06: MASALOOYIN KHUSEEYA SOONKA ( Dumarka )
Xalqadani waa suaalo soo noqnoqday oo khuseeya soonka iyo waxybahaa burinya waxaan kusoo ururiyaay su’aalo ay iswaydiinayaan hablo badan ,waxaan ugu talo galay inay jawaab uhelaan suaalaha oo ay ugaadaan culimadu waxay ka idhaadeen waan raajyanayaa inaad ka faaidaysataan RAMADAN MUBRAAK
Sun, 09 Apr 2023 - 20 - Season 3~EP:05: NOOLEEYIHI QALBIGA (احياء القلوب)
Digrigu waa cibaadoyinka samaynta baladhan nolosha qofka bini adamka kuleh ee nooleeya qofka qalbigiisa , ruuxdiisa iyo jidhkiisaba saamayntiisuna ay dagdag qofka noloshiisa uga muuqato Kaga bogo xalqadan faaidada digrigu uu leyahay .
Mon, 03 Apr 2023 - 19 - Season 3~EP:04: KHUSHUUCDA الخشوع في الصلاة
Khushuucdu waxay kamid tahay cibaadooyinka qalbiga ah ee smaayn baladhan kuleh daganashaheen nafeed iyo teen ruuxigaa waxayna ubahanatahay barasho samir iyo dadaal joogta oo aynu galino si aynu ugu raaxaysano gudashada salaada iyo xaqiijinta hadafka wayn ee uu ALLAH inoo amray cibaadooyinka . Kaga bogo xalqadan sida aynu isu bari karno khushuucda iyo waxybaha inaga caawin kara . RAMDAAN MUBARAK
Sun, 26 Mar 2023 - 18 - Season 3;Ep: 03;BISHII KHAYRKA ( من الآن تستعد لرمضان )
Maalmo kooban ayaa inooga dhiman bishii khayka bishii raxmada iyo naxariista , bishii isbadalka iyo guusha , hadiise aynaan garanyn sidaynu uga faaidysanano bishan khayrka badan leh way inagua dkanaysa in aynu xaqiijino waxbahaa kor ku xusan oo dhan kaga bogo xalqadan sidaad isugu diyaarin laahyd bisha ramdaan ugana faadiysan alahud khayrkaas oo dhan .
Sun, 19 Mar 2023 - 17 - Season 3~EP2: ISBADAL ( علاقتي بالتغيير )
Isbadalku waa wax aynu dhamaan uwada bahanahay oo nolosheena samayn balaadhan kuleh waxa uuna imadaa marka uu qofku dareemo inuu baahi uqabo isbadalka hadaba kaga bogo xalqadan noocyada isbadalka , tiirarkisa , iyo qaybta lixaad kale ee uu Doonitaanku ka qaato qofka noloshiisa .
Sun, 05 Mar 2023 - 16 - Season 3~EP:01: NAF LA HADAL "علاقتي بنفسي "
Waxa jira waxyaabo badan oo Allah bini adamka kudhex abuuray oo ubahan hadana inuu isagu kashaqeeyo fahmo wakhti galiyo oo uu kala dhig dhigo , naftu waa nimcooyinka ugu waa wayn ee Allah bini adamka ku arsaaqay waxana tunka looga saray qof walba inuu isagu is furfuro oo uu isfahmo kadibna marka uu isku dhaadhaco ay isku caawiyan sidii ay hadafka way uwada xaqiijin lahaayen una gaadhi laahayeen maqsadka balaandhan ee aynu kuligeen uwada socono kagaa bogo xalqadan arimahaas faahfasan .
Sun, 26 Feb 2023 - 15 - Season 2~EP:04: UDUB DHEXAAD الحقوق المشتركة بين الزوجين
Qoysku waa udub dhexaadka nolosha aadanaha ,waa halka ay kasoo alkumaan asaaska waxkasta oo wanaagsani ,waxaynu isla eegi xaquuqaha iyo waajibaadka ay isku leeyihin labada qof ee nolol wadaga ahi si ay inoogu fududato in midba mid kale xaqiisa ilaaliyo iskuna dayo inuu uga soo baxo sida ugu dhamayska tiran .
Sun, 19 Feb 2023 - 14 - Season 2~EP:03: "MIISAAMIDA MICNAHA DUMARNIMO “
Xalqadan waxaan kaga hadli doona miisamida micnaha dumarnimo ay leedahaay shirkii “ CEDAW “ iyo waxybihi kasoo baxay maxaa diinta ka wafaqsan maxaase kasoo hor jeeda dhagaysi wanaagsan ayaan idiin rajayanaya .
Mon, 13 Feb 2023 - 13 - Season 2~EP:02: CISIIGII ISLAMAKA
Xilqadan waxaan kusii kala dhig dhigodaana taarikhdii dumarku ay kujireen islaamka ka hor iyo siday isku badashay xuquuqaha dumarku heleen diinta marka ay timid .
Sun, 05 Feb 2023 - 12 - Season 2~EP:1: KARAMADII SOO NOQOTAY.
Hufnaanta Karamada sharfta cisiga uu islaamku dumarka siiyaay waa mid ku cad Quranka iyo sunada nabi mohammed hagar baxa ay diintu inoo hagar baxadayna waa ta aan maanta midhaheeda guranayno een kunaalonayno ila dhagayso xalqadan si aad taarikhda dumarkii hore wax uga ogaato .
Sun, 29 Jan 2023 - 11 - Season 1~EP:10: DIYAARGAROW
Cabsida iyo wararka inaga haya dhimashada iyo nolosha aakhiro waxa qayb wayn ka ah aqoon darada iyo jahliga inaga haysta masiirkeena iyo waxa inagu sugaya aakhiro , xalqadan waxa aynu kaga hadlaynaa qaybaha nolsoha qofku marka uu dhinto kadib waxyabaha dhici doona maalinka qimahaa , iyo sida aynu ugu diyaar garobayno lakulanka ilaahay .dhagaysi wanaagsan .
Sun, 15 Jan 2023 - 10 - Season 1~EP:09 : SABABAHA LAGU GALO JANNADA أسباب دخول الجنَّة
Jannadu waa daarta Ilaahay udiyaariyay adoomihisa wanwanagsan si uu abaal marin uga dhigo imtaxaanadii faraha badna ee ay aduunka guudkiisa kusoo mareen xilqadan waxa aynu kaga hadli doona sababaha inoo fududuynaya in aynu jannada ilahay galno kuna guulaysano nimcooyinka uu ilaahay dhexdeeda dhigay ,dhagaysi wanaagsan ayaan idiin rajyanayaa .
Sun, 01 Jan 2023 - 9 - Season 1~EP:08: BOGSASHO فنّ التعافي من الذنوب
Qofku inuu danbi kudhaca waa wax uu bini adam uyahay lakiin inuu ka rajo dhigo naxariista Ilaahay waa mid kadhalata jahli baahsan oo inaaga haysta naxariista ilaahay , kabogsashada dambiga iyo kabashada qalbigu iyana waa fan ubahan barasho oo aynu xilqadan kaga bogan doono ,Dhagysi wanagsan ayaan idiin rajaynayaa .
Sun, 25 Dec 2022 - 8 - Season 1~EP:07: RISQIGA الرِّزق
Waa maxay risqigu ? Ma maalka ! Mise waa awlaada ! Mise waa cafimaadka ! Maxaa risqiga kordhiya ? Samayn inte leeg ayaa ka dhxaysa xidhiidhka aad Alle laleedahay oo wanaagsanada iyo risqiga oo siyada ? Kaga bogo xilqadan arimahasoo faahfasan .
Sun, 18 Dec 2022 - 7 - Season 1~EP:06: NAAWILAAD /الصَّبْر والرضى
Samirku waa cibaadoyinka qalbiga ah ee nolosha qofka bini adamka ah uhorseeda guul aduunyo iyo mid aakhiraba kana dhigta qofka noloshiisa mid manfaco iyo faaido uleh ,ila dhgayso xilqadan kana bogo samirka iyo raali ahaanshaha farqiga udhaxeeya .
Sun, 11 Dec 2022 - 6 - Season 1~EP:05: TALASAARASHO
Wali mays waydiisay talasarashadu wamaxay ? xalqadan ayaan kaga jawabyna suashaa’s oo aynu ku dhigdhigaynaa dhagaysi wanaagsan.
Sun, 04 Dec 2022 - 5 - Season 1~EP:04: ISDHULDHIG
Ducada waa furayaasha ugu waawayn ee lagu baxsado markasta oo aad baahi aad leedahay ama ay waayaha aduunyadu kugu bahaan kaga bogo xilqadan Ducada iyo ahamiyada ay kuleedahay Quran’ka iyo sunaha Nabi mohamed .
Sun, 27 Nov 2022 - 4 - Season 1~EP:03: XIDHIIDH AAN GOAYN
Xalqadan sadexaad waxaynu kaga hadlaynaa salaada iyo ahmiyada ay u leedahay nolosha iyo saamaynta ay qofka bina aadamka ah ku leedahay noloshiisa aduunyo iyo mida aakhiro.
Sun, 20 Nov 2022 - 3 - Season 1~EP:02: WEHELKAYGU WAA QURAN’KA
Quranku waa dastuur nololeed iyo manahaj uu ilahay nolosheena wehel inooga dhigay kaga bogo xilqadan fahanka quranka iyo saamanynta uu nolosheena kuyeesho marka aynu lanoolano quranka .
Sun, 13 Nov 2022 - 2 - Season 1~EP:01: JACAYLKII RASMIGA AHAA
Barashada Ilaahay baahi ayaynu dhamaanteen u qabnaa inaynu dareeno inuu Allah ina jeclaado, si aynu jacaylka u gaadhnana barashaa inaga xigta iyo dadaal. Kaga bogo xalqadan iyadoo faahfaahsan.Mahadsanid
Sun, 06 Nov 2022 - 1 - Hordhac
Wajiyada kala duwan ee nolosha iyo waayaheedu waakuwa ina bara soo labaashada iyo dib ugu noqoshada xaga Ilaahay,taasoo aynu ku baraarugno markasta oo aynu xaalad dhexda kaga jirno.La noolaanshaha ducada, dadka Rabigaa kuu dhawaynaya iyo talo saarashadu waa halka ugu dhow ee aynu kaga xidhmi karno mawjadaha hadaynta iyo hilinka toosan kuwaasoo waayeheena nololeed ka dhiga cida ugu mudan inay nolol farxadleh kunoolaato.Podcast- kan waxaynu kaga hadli doonaa tabaha aynu ku noqon karno dad ...
Sat, 22 Oct 2022
Podcasts semelhantes a ALBAAQIYAT
- Global News Podcast BBC World Service
- El Partidazo de COPE COPE
- Herrera en COPE COPE
- The Dan Bongino Show Cumulus Podcast Network | Dan Bongino
- Es la Mañana de Federico esRadio
- La Noche de Dieter esRadio
- Hondelatte Raconte - Christophe Hondelatte Europe 1
- Dateline NBC NBC News
- 財經一路發 News98
- La rosa de los vientos OndaCero
- Más de uno OndaCero
- La Zanzara Radio 24
- L'Heure Du Crime RTL
- El Larguero SER Podcast
- Nadie Sabe Nada SER Podcast
- SER Historia SER Podcast
- Todo Concostrina SER Podcast
- 安住紳一郎の日曜天国 TBS RADIO
- TED Talks Daily TED
- アンガールズのジャンピン[オールナイトニッポンPODCAST] ニッポン放送
- 辛坊治郎 ズーム そこまで言うか! ニッポン放送
- 飯田浩司のOK! Cozy up! Podcast ニッポン放送
- 吳淡如人生實用商學院 吳淡如
- 武田鉄矢・今朝の三枚おろし 文化放送PodcastQR