Podcasts by Category

Ogaalka Ruuxda | Nazreen zallah

Ogaalka Ruuxda | Nazreen zallah

Nazreen Zallah

Magacaygu waa Nasreen Sallah; waxaan aad u daneeyaa arimaha ku saabsan wacyiga ruuxda, cilmiyada la xidhiidhka bulshada, Qaangaadhnimada maskaxda, wax ka barashada khibradaha nolosha, wax-yaalaha ku saabsan ibnu-aadamtinimada, walaalnimada, is jacaylka, daganaan-shiyaha, noolaan-shiyaha iyo nabad gudeedka.

podcastkan waxa aan idin kula wadaagi doonaa si qoto dheer qisooyinka noloshayda ee aan wax ka bartay iyo kuwa aan wax ka baran doono ee ogaalkiina wax ku dari doona. 

Waxa aan kaga hadli doonaa muhiimada ay leedahay in aynu noolaano xaqiiqadeena, in aynu aqbalno abuurkeena iyo in aynu baadi goobanno duwanaan-shiyaheena,  si aynu ugu noolaano nolol isku miisaaman, farxad leh, daganaanshiyo leh oo ilaahay raali ka yahay,  nafteenuna raali ku tahay. 

"Talo waliba waxay ka iman doontaa qalbigeyga".

22 - Xasuusin iyo xasilooni| Raali-galinta dadka.
0:00 / 0:00
1x
  • 22 - Xasuusin iyo xasilooni| Raali-galinta dadka.

    Xasuusinta xalqadan 

    Bani aadamka awoodiisa waa la xadiday, waala xadeeyay waana la xakameeyay. Wixii se aad iinsaan ka heli waydo ilaahay xagiisa ka doono, ilaahay xagiisa ka raadso, ilaahayna xagiisana ka baadi doono.

    Waa ilaaha iska leh sifada kamaalka, dhamaystirnaanta, iyo isleekaanshiyaha.

    Waa rabiga aan agtiisa waxba laga waayin, agtiisa waxba laynagu yeelin. Talo saarashadiisana badbaada aynu bidno oo aynaan ku hungoobin.


    Ugu dambayn

    Waxkaste aynu kala doono oo aynu hadana kala wayno ee wanaag ah, rabbi baa leh oo awoodooda bixiya, ee xasuuso.

    Thu, 25 Apr 2024
  • 21 - Maxaynu uga baahanahay in aynu garab kala helno? |Taageerada maskaxda iyo Qur.aanka | Mental support.

    Fariimaha yar yar ee aynu helno ayaamaha aynu ugu baahida badannahay laabteena waxbay taraan oo meesha inagu bannaan ayay badh gufeeyaan oo dhaxan tiraan. Si taa la mid ah dadyowga aynu garabka erayadeena iyo wehelnimadeena ku siino ayaamaha nugeyl-koodana meel bay u buuxiyaan aanu garanahaynin ruuxa baahida u qaba mooyee ruux kale oo dibada ka taagani.

    Garab kala hela wakhtiyada adag🧡

    Fri, 22 Mar 2024
  • 20 - Talooyin gabdhaha quseeya| gabadhyahay dhagayso.

    Gabadhnimadu waa hal adayg-nimo iyo dhib qurux badan. 🧡💛

    Mon, 11 Mar 2024
  • 19 - 12 qodob oo kaa caawin doona u diyaar garawga bisha ramadaan.

    Waa 12 qodob oo aydun intiina badan garanaysaan laakiin aan jeclaaday in aan idin xasuusiyo si aydun ugu diyaar noqotaan gudo ahaan,  dibad ahaan, iyo guri ahaanba bisha barakaysan ee ramadaan. Waa xalqad dhalinyarta aad u quseysa iyo sidoo kale cidkaste oo danayneysaba.
    💛🌙

    Sun, 03 Mar 2024
  • 18 - Waa maxay sababta aynu wax u raagsano, marka aynu helno wixii aynu raagsanayna uga xiiso dhacno helida kadib?

    Xalqadan waxa aan kaga hadlay wax-yaalo dhawra oo quseeya qiimaynta wax-yaalaha aynu haysano,  u fiirsashada quruxda ay leeyihiin wax-yaalaha yaryari iyo jawaabo laba su.aalood oo wakhti hore la i waydiiyay.

    Eray waliba wuxuu ka yimid qalbigeyga dhagaysi wanaagsan.💛

    Wed, 21 Feb 2024
Show More Episodes